Tuesday, April 30th, 2024
header










Meta







Turkiga oo baaraya suxufi galay safaarada Sacuudiga ee Istaanbuul soona noqon

Turkiga oo baaraya suxufi Sucuudi ah oo ka soo noqon waayay safaarada Sucuudiga ee caasimada Turkiga. Suxufi Jamaal Khashooqi ayaa tagey salaasadii ina soo dhaaftey safaarada Sucuudigu ku leeyahay Turkiga ilaa hadda lama yaqaan waxa ku dhacay.



Sirdoonka Turkiga ayaa aaminsan in Jamaal lagu dhexdiley safaarada dhexdeeda oo xataa hilibkiisa la jarjaray. Jamaal ayaa intuuna safaarada gelin telfoonkiisa kaga tagey gabadh ay wada shaqeeyaan ama u doonan.

Wuxuuna u sheegay hadduu soo noqon waayo inay wacdo madaxweynaha Turkiga una sheegto. ”Waan sugey ilaa saqdhexe iimana muuqdo ayay tiri Xaatis oo ah haweenay Turki ah oo Jamaal rabey inuu guursado.

Xaatis ayaa sheegtay inuu isku buuqsanaa kuna faraxsanayn inuu tago safaarada laakiin uu ku qasbanaadey si uu u soo qaato warqado cadaynaya inuu furay xaaskiisii hore.

Ilaalada safaarada oo baaray kaamarada ku xiran albaabka safaarada ayaa cadeeyay in Jamaal lug kaga bixin safaarada. Waxa kale oo jirey gawaadhi safiiradu leeyihiin oo iyaguna soo galayay siina baxaayay.



Gacan ku dhiiglaha Sucuudiga loona yaqaan dhaxalsugaha qoyska Sacuud ee Sucuudiga Maxamed Salmaan ayaa sheegay inuu rabo isaga laftiisu inuu ogaado halka Jamaal ku maqan yahay inta aanu ka hadlin mucaaradnimadiisa.

Suxuf Jamaal ayaa si adag uga soo horjeeda gacan ku dhiigle Maxamed Salmaan oo dagaal kumanaan lagu xasuuqey ka wada Yaman isla markaana dila dadka fikirkiisa diidan.

Masuuliyiinta Turkiga ee baaraya arintan ayaa qaba in Jamaal lagu dhexdiley safaarada kadibna meydkiisa lagu qaadey gaari. Waxayse u muuqataa hadda arin daahsan waayo waa salaasadii.

Arintan ayaa keeni karta cawaaqib xumo aan la garanayn halka ay ku dambeyn doonto. Erdogan ayaan taageerin cunaqabatayntii Sucuudigu ku soo rogey Qadar maadaama ay isku urur diimeed yihiin.



Wargeys ka soo baxa Maraykanka oo Jamaal wax ku qori jirey ayaa iyaguna qorey in Jamaal ay dileen 15 xubnood oo khabiir ku ah sida dadka loo khaarijyo lagana soo direy Sucuudiga.

Maaha markii ugu horeysay in qoyska Sucuudigu aduunka ka qariyaan dadka mucaaradka ku ah, waxana hore loo waayay dad badan. Qoyskan ayaa ku xiran Yuhuuda iyo Maraykanka waana iyaga kuwa ku haya kursiga.

Sawirkan hoose waa haweenayda u doonan Jamaal oo saacado sugtey

Xisbiga Erdogan ee Turkiga ayaa ku dhaartey in la soo fiqi doono halka Jamaal ku dambeeyay. Wasaarada arimaha dibeda ee Turkiga ayaa u yeertay safiirka Sucuudiga kana cabatey sida wax u dhaceen.

Gacanku dhiigle Salmaan ayaa leh waa la baari karaa safaarada. Si kastaba ha ahaatee waxa la sugayaa in Turkigu soo faqo halka la mariyay suxufi Jamaal.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...