Ururka la magac baxay macawisleyda ee argagixisada kula dagaalama gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmooyin u dhow Aadan Yabaal ayaa la kulmey xildhibaano iyaguna ka soo jeeda gobolka.
Ururkan ayaa aad loo amaaney waana ururkii ugu horeeyay ee iskood isku abaabula ee u dulqaadan waaayay argagixisada ama kooxda gaalaynta Muslimiinta qorigana qaatey si ay u difaacaan sharaftooda.
Dhawaan ayay ahayd markii ururkan macawisleyda iyo argagixisada uu dagaal qaraar dhexmaray. ”Waxay u qalmaan in la taageero oo hub la siiyo si argagixiso fooda u gelin deegaankooda ayuu yiri xildhibaan la kulmey ururka.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in dawladu taageerayso dadkaas iskood isku abaabuley isagoo amaaney dhiiga ku jira dadkaas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay