November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Mukhtaar Roobow weli kama tanaasulin gaalaynta ummada: Xasan Sheekh Maxamud

Mukhtaar Roobow weli kama tanaasulin gaalaynta ummada sidaas awgeed ma arko sabab uu isku soo sharaxo ama u istaago maamul uu aaminsan yahay inay diinta ka baxeen ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.



Mukhtaar Roobow ayaan laga hayn waan kaxay argagixisada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay kooxda gaalaynta Muslimiinta.



“Qodob waa jiraa oo dastuuri ah ninkan waa muwaadin, wax ka reebaya doorasho ma jiraan, laakiin waxaan qabaa in aysan sax aheyn hada inuu u soo istaago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Muqtaar weli ma cadeyn inuu ka soo horjeedo argagixisada, Shabaab iyo isaga inay is dirirsan yihiin wax dhib ah ma lahan, dhexdooda maalin walba ayay diriraan, wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hada aysan wanaagsaneyn inuu isa soo sharaxo.”. ayuu yiri Xasan Sheekh.



Wasaarada amniga ayaa hor istaagtey musharxnimada Mukhtaar Roobow oo dadka badankiisu u qaadan waayay nin shalay gaaleeyay ummada hadana sharaxan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS