Gole aan sharci ku dhisneyn ayaa amaro u direy madaxda qaranka sida madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha. Cabdi Xaashi oo ah horjoogaha waxa loogu yeero Aqalka Sare oo aan la dejin sharcigii lagu dhiqi lahaa iyo waxa uu dalka faaiido u leeyahay ayaa hadana amaro ku soo dul tuurey dawlada.
Golahan oo ku jira aqal loo baahnaa in masaakiinta loo dhiso ayaa waxa ku jira xubno ku fashilmey hananka dawladnimo waxana cabasho ka jirtaa lacagta ay bilaashka ku qaataan ayagoo wax faaiido ah ugu fadhiyin dadka Somaliyeed.
Aqalka sare ayaa dhisidiisa waxa iska lahaa maamul jufeedyo rabey kuraas dheeraada oo ay ku yeeshaan golaha shacabka waxana sii dardargeliyay horjoogihii qaramada midoobey ee Mahiiga.
Horjoogaha aqalka sare oo amraya madaxda qaranka ayaa sheegay in sadex maalmo loo qabtey si ay uga soo jawaabaan cabasho ay soo gudbiyeen horjoogeyaal doorasho ku socoto midna hadda laga tuurey xilka sida Xaaf.
Cabashadooda ugu weyn ayaa in hanaanka goboleysdiga laga leexday, waxay u cawdeen ajaanib ay kula kulmeen Nayroobi oo ah kuwii ka dambeeyay dastuur dhoodhoobka lagu sheego federaalka.
Waxase la ogaadey in ay yihiin shaqsiyaad diidan daladnimada laakiin hadda ku taagan farocidideed.
Golahan xaq uma leh inuu amar siiyo madaxda qaranka hadduu wax dhexdhexaadinaayana maaha inay sidaa u hadlaan saxaafadana ka hadlaan ayuu yiri xildhibaan ka tirsan iyaga.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay