Itoobiya ayaa sheegtay xilliga dalkeeda dal-ku-galka laga qaadan doono madaarka. Wadamo badan oo aduunka ah ayaa dal-ku-galka ama fiisaha laga qaataa madaarka laakiin waxay ogolyihiin oo kaliya wadamada tajirka ah ama degan.
Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa hadda cadeeyay xilliga saxda ah ee dalkeeda laga qaadan doono dal-ku-galka una furnaan doona muwaadiniinta Afrika.
Bisha soo socota 9-keeda ayaa loo qorsheeyay in dalka dal-ku-galkiisa laga qaato madaarka. Ruwaanda ayaa iyana dalkeeda u furtey Afrikada kale inay dal-ku-galka ka qaataan madaarka.
Bishii Jlixaad ee sanadkan ayaa Itoobiya bilowdey inay dal-ku-galka ku bixiso qaybta internet-ka oo arjiga laga buuxiyo internet-ka.
Waxa welli maqan faahfaahin inta loo ogolyahay dal-ku-galka in lagu joogo Itoobiya cidii danaynaysa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay