Maxkamada ciidamada ayaa xukuntey rag dhac ka gaystey Muqdisho. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolol maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.
Garsoorayaasha ayaa la tashi dhexdooda ah kadib go’aan ku gaaray Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay