23/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ergayga QM ee Somaliya oo Gaalkacyo kula kulmey hogaankii hore ee Galmudug: SAWIRO

Ergayga QM ee Somaliya ayaa Gaalkacyo kula kulmey hogaankii hore ee Galmudug Xaaf oo xukunka laga tuurey bishii hore. Ergayga ayaa dhexdhexaadin u jooga Gaalkacyo dhinacyo isku haya iyo weliba isaga iyo dawlada dhexe.



Xaaf ayaa dhinaca kale cabasho u gudbiyay Ergayga Qaramada midoobey ku saabsan xilkii laga qaaday iyo in uu isaga aqoonsan doono. Taas oo Ergaygu samayn karin. Wuxuu kaloo cabasho u gudbiyay gaadiid Galmudug ka celisay Cadaado.

Xaaf ayaa soo kaxaystey qaar ka mida taageereyaashiisa, waxayna ku yimaadeen Gaalkacyo diyaarad maadaama uuna lug ku tagi karin.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS