Saturday, April 27th, 2024
header










Meta







Dabkii ka kacay radiyo Muqdisho qasaare intee leeg ayuu gaystey: SAWIRO

Dabkii ka kacay radiyo Muqdisho qasaare intee leeg ayuu gaystey. Agaasimaha oo Warbaahinta kula hadlayay gudaha Keydka hadalka ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dabkii maanta lagu guuleystay isla markaana uusan geysan qasaaro fara badan, isagoo intaa ku daray in cajaladaha gubtay ay ahaayeen kuwa mar hore alaadda digital-ka loo rogay.



“Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar, inta badan cajaladaha gubtay waxa ay ahaayeen kuwa markii hore digital loo badalay, isla markaana lahayo macluumaadkii ku duubnaa, Waxaan Umadda Soomaaliyeed ee Walwashay u sheegayaa inuu Keydkii Bedqabo” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta.



Agaasime Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Shantii sano ee la soo dhaafay waxaa socotay in la badalo cajaladaha Keydka hadalka ee Radio Muqdisho, waxaana iminka go’aan ku gaarnay inaan sii dar dargelino sidii cajaladaha Keydka guud ahaan looga dhigi lahaa mid digital ah”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa maamulka Gobolka, Shaqaalaha Wasaaradaha degan xarunta Wasaaradda iyo dhamaan madaxda iyo howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo ku guuleystay inay damiyaan dabkii ka kacay Keydka hadalka ee Radio Muqdisho.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...