Faahfaahin qarax gaari oo argagixisadu ka fulisay Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay kasoo horjeedda Hoteelka Makah Al-Mukaramah.
Sida goobjoogeyaal u xaqiijeen ARAABINEWS waxa ku dhaawacmay Qaraxa oo ahaa mid loogu xiray gaarigii uu watay qofka dhaawacmay.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana damiyeen gaarigii Qarxay oo gubanaayay.
Maaha markii ugu horeysay ee uu qarxo gaari argagixisadu ku xirtey qarax si ay u xasuuqaan dad aad u farabadan.
Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo saxaafada la hadley ayaa sheegay inuu ka badbaadey qaraxa lagu xirey gaarigaas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Qaraxa gaariga

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay