Muqdisho–Xukun cadaalad ah ayaa lagu fuliyay laba nin oo xasuuqey in ka badan 20 qof oo Somali ah iyagoo ku banaystay dhiigooda kadib markii ay gaaleeyeen. Shucay Ibraahim Mahdi 37 iyo Faarax Cali Cabdi 30 jira ayaa 6-dii April ay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ku riday xukun dil ah, markii xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo ka mid ahaanshiyaha ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa ku eedeysay raggan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay inay horey u dileen:-
Xildhibaan Saado Cali Warsame, xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”, Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka. Maxamed Axmed Maxamed “ Qaanuuni” oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
![129[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/05/1291.jpg)
![226[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/05/2261.jpg)
![418[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/05/4181.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay