08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Doorashada horjoogaha Koofur Galbeed oo dib loo dhigey markale

Doorashada horjoogaha Koofur Galbeed ayaa dib loo dhigey markale. Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta sheegay in doorashadu dhici doonto 19-ta bishaan December.



Doorashada ayaa horay loogu waday in la qabto 5 Bishaan ,laakiin Guddiga waxa ay sheegeen in cabaqado badan awgeed ay doorashadda dib u dhigeen.



Waa Markii Saddexaad oo la shaaciyo in dib loo dhigay doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed oo Shaki badan laga Muujinaayo.

Gudoomiyaha barlamaanka oo hadda loo malaynayo inuu hormood ka yahay isku dhac u dhexeeya dawlada iyo Koofur galbeed ayaa sheegay inuuna taageersanayn ciidamada la geeyay Baydhabo xilli maamulka ka dhisan halkaasi sheegeen inay u baahan yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS