08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Kiiniya oo Muuse Biixi u sheegtay iibso qaadkayaga iskana dhaaf kan Itoobiya

Kiiniya oo Muuse Biixi u sheegtay iibso qaadkayaga iskana dhaaf kan Itoobiya. Wefdi uu Muuse Biixi u direy Kiiniya oo la kulmey wasiir hoose oo ka tirsan waaxda ganacsiga ayaa warkan u gudbiyay.



Kiiniya ayaad sheegtay si ganacsigu u sii fiicnaado in Muuse Biixi ogolaado shaqaale ka socda Kiniya oo ka shaqeeya hay’adaha kala duwan ee jooga Hargeysa.

Faratoon oo ahaa wasiirka uu u direy Kiiniya ayaa hore u sheegay inanu aqoon u lahayn wasaarada arimaha dibedda ayaan hordhigey qorshaha Muuse Biixi laakiin loo sheegay in laga fiirsan doono.



Kiiniya ayaa hadda ku hadhey wadamada qaabila horjoogeyaasha Somalida kadib markii kacaanka cad ka curtey Itoobiya ee joojiyay qaabilida horjoogeyaasha maamul jufeedyada.

Muuse Biixi ayaa ku talojira inuu joojiyo qaadka ka imanaya una wareego kan Kiiniya kadib markii uu ku fashilmey la kulanka higaamiyaha kacdoonka geeska Cabi Axmed.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS