Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi u direy ehelada saraakiil ku shahiidey weerar argagixiso. Sarakiishan ciidan oo uu ku jirey abaanduulaha gobolka Sh Hoose oo dhawaan cadowga ka xoreeyay Dhanaane ayaa kooxda gaaleyntu miino ay aaseen kula kacdey meel u dhow Dhanaane.
Madaxweynaha oo ah madaxa ugu sareeya ciidanka ayaa ugu horeeyay tacsi u dirida saraakiisha ku geeriyoodry weerarkaas fuleynimo ee ahaa in ciidanku helo qalabka lagu baaro miinada.
Argagixisada kooxda gaaleynta ayaa KALIYA ku soo haray miinooyin ay ku laayeen dadka muslimiinta ah.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”
“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa Shabaab.
“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay