21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Itoobiya oo xukun dheer ku ridey askar dili gaaray Cabi Axmed

Itoobiya ayaa xukun dheer ku ridey askar dili gaaray Cabi Axmed bishii Oktoober kadib markii ay ugu tageen gurigiisa iyo xafiiskiisa ayaga oo badan oo gaaraya 200 oo askar. Askartan ayaa la ogaadey inay diidan yihiin isbedelka uu ka wado Itoobiya iyo jaarkeeda.



Waxa la sheegay askartaan inay u badnaayeen Tigre. Cabi Axmed ayaa telefishanka dalkaasi tusey askarta oo uu ciyaarsiinayo jimicsiga gacmaha dhulka la saaro ayadoo laabtana dhulka loo dhaweynayo.



”Cabi Axmed ayaa xilliga sheegay inay ahayd sida kaliya ee aan ku dejin karo xaalada, waxayna u yimaadeen inay i dilaan. Waxa mardambe la ogaadey in qaarkood sheegeen inay ka xumaadeen fursada dhaaftey ee ay ku dili lahaayeen Cabi Axmed.



Askar gaaraysa 66 ayaa lagu ridey min 14 sano oo xariga iyo min shano  halka inta kalana lagu daba jiro dambiyadooda. Waxana xaakinku sheegay inay ku xadgudbeen sharciga askarta u yaala.

Rasiid Ceelaanyo

ARAABINEWS