Dadkii Somalida ahaa ee argagixisadu ku xasuuqdey Somaliya oo la helay cid cadaysa cida ay yihiin. Waxa jira meydad badan oo yaala isbitaalada oo la garan waayay cida ay yihiin ama si eheladoodu ku xaqiiqsadaan si ay uga quustaan.
Dhaqaatiir Siiriya u dhashay ayaa tababar ahaan loogu soo dirayaa Somaliya si ay u xaqiijiyaan meydadka la garan waayay ee welli yaala isbitaalada Muqdisho.
Dr. Saahir Xamdu Xajow ayaa tilmaamay inay Dhakhaatiir Tababar u kala direen dalalka Somaliya, Qubrus iyo Jarmalka, kuwaasi oo tababar ku qaadan doono baritaanka Hiddo-sidaha ee maydadka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somaliya u xusheen sababo la xiriirta iyadoo laga helayo tirada ugu ballaaran ee maydadka aan weli la aqoonsanin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi tahay fursad lagu baranayo qaabka loo aqoonsan lahaa maydadkaasi.
Sidii argagixisadu u weerartay Siiriya waxa dalka ka qaxay kumanaan aqoonyahaniina oo u kala qaxay dalal ay Somaliya ku jirto, ayagoo ka shaqaysta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay