November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Amniga Baydhabo oo aad loo adkeeyay xilli doorashadu dhacayso beri

Amniga magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay xilli doorashadu dhacayso beri kadib markii maalintii shalay ay soo dhamaadeen qudbadaha musharixiinta madaxa Koofur Galbeed. Xasan Cali Kheyre ayaa ku guulaystey inuu dejiyo xiisad ka dhalatey xagjir Mukhtar Roobow.



Doorashada Koofur Galbeed ayaa baaqatey dhowr mar. Amniga ayaa aad loo adkeeyay waxa goobkasta jooga ciidanka dawlada Somaliya oo ay caawinayaan ciidanka Amisom.



Waxa la filayaa inuu doorashadan uu ku guulsaysto xildhibaan Laftagreen oo ugu cadcad xildhibaanada hadda sharaxan. Waxa la sheegay in loo hanjabay musharixiinta qaar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS