Muuse Biixi ayaa madaxweyne Mustafe Cagjar ka codsaday in dib uu uga noqdo xubno Samaroona oo dhawaan ay ka qayliyeen beeshiisa lagu soo dhaweeyay Wajaale. Madaxweynaha dawlada Somali galbeed ayaa soo celiyay xaqii beesha Samaoon ee balaaran ee aaga Wajaale.
Kulanka Muuse Biixi iyo madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxa codsaday Muuse Biixi wuxuuna daarnaa sadex arimood.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa Muuse Biixi u sheegay inuu joojiyo taageerada uu siiyo xubno lidi ku ah amniga Somali galbeed oo Hargeysa fadhiya, haddii kale Somali galbeed xaq u leedahay inay amnigeeda ilaashato soona qabato dadkaasi.
Muuse Biixi ayaa beeniyay in uu taageero amni xumada ka jirta meelo ka mida Somali galbeed aqbalayna inuu kala shaqeeyo madaxweyne Mustafe Cagjar.
Muuse Biixi ayaa isna hordhigey laba codsi oo kala ah: In madaxwyne Cagjar la kulansiiyo Cabi Axmed oo u ka shaqeeyo sidii taasi u dhici lahayd, ayadoo madaxweyne Mustafe Cagjar ugu jawaabay inay u taalo isaga taasi oo uu kala hadlo wakiilka Hargeysa fadhiya.
Codsiga kale ee uu gudbiyay ayaa ah in laga noqdo 5 xubnood oo beesha Samaroon looga magacaabay aaga Wajaale. Taas oo uu ka diidey madaxweyne Mustafe Cagjar una sheegay in dadku waxay xaq u leeyihiin la siinayo.
Cabdi Iley ayaa xaqdaro ku siiyay kuraasta Samaroon ee aagaas beesha Muuse Biixi oo inan layaal ku soo degtay dhamaan aaga Gabiley iyo Wajaale.
Kulankan ayaa ku dhacay si wejigabaxa ayna ku qasban tahay maamulka Muuse Biixi inuu aqbalo waxkasta oo loo sheego.
Muuse Biixi ayaa dhinaca kale gudbiyay codsiyo la xiriira gaaska iyo shidaalka ka yimaada IItoobiya asagoo raba inuu u xiro nin beeshiisa soo dejinta labadaas.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay