November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixiso galaaftey nolosha Somali badan oo xukun lagu fuliyay

Argagixiso galaaftey nolosha Somali badan ayaa xukun dil lagu fuliyay saaka magaalada Muqdisho. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa xukun dilĀ  ah ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa argagixisada kooxda gaalaynta Muslimiinta.



Ninkan waxay Ciidamadda Ammaanku ku qabteen Bishii May ee Sannadkan Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay Gaari Qarax ah, waxaa sidoo kale uu ahaa Shaqsigii dhigay Gaariga Qaraxa ah Agagaarka Wasaaradda Amniga Qaranka sidda ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada.



Ninka galaaftey nolosha Somnali badan ayaa saaka abaalkiisa lagu mariyay fagaaraha toogashada ee magaalada Muqdisho. Waa argagixiskii la dilo muddo dheer.

Isku geyn argagixis C/qaadir wuxuu dilay dad ka badan 30 qof iyadoo welli dadkii ku dhaawacmey qaraxyadaas ay ku jiraan dad naafo noqdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS