24/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Booliiska Ingiriiska oo baaray guri qoys Somali ah ka degan yahay magaalada Manjister

Booliiska Ingiriiska ayaa baaray guri qoys Somali ah ka degan yahay magaalada Manjister kadib markii nin midi ku weeraray dad joogey goob tareenadu ka baxaan magaalada, halkaana dhawac u gaystey sadex qof.



Sadexda qof ee aan waxba galabsan ayaa hadda la sheegay in xaaladoodu fiican tahay. Nin booliisa oo ah kuwa tareenada ayaa isna uu soo gaaray dhaawac fudud isla markiina ku hoyday gurigiisa.

Booliiskan oo dadka difaacaya midida ayaa ay soo gaartey dhaawac yar. Dadka ayaa sheegay in ninka midida dadka ku weeraray uu ku dhawaaqayay Allaahu Akbar isla markiina la ogaadey in ay maskaxda ka waaleen kooxda gaalaynta ee Daacish.



Booliiska oo ogaadey halka uu degan yahay ninkan oo hadda la xaqiijay inuu waalan yahay ayaa baaray guri qoys Somali ah oo ka soo guurey Holland si ay nolol fiican ugu helaan caruurtooda.

Qoyskan ayaa la sheegay in ay leeyihiin ilaa shan caruura qaarna jaamacad dhigtaan wiilna ka shaqeeyo madaarka magaalada midna lagu celiyay Somaliya halka gabadh kalana joogto guriga.



Qoyskan ayay sheegeen jaarku inay yihiin dad caadiya oo masaajidka iskaga tukada oo aan lagu ogeyn wax dhibaato ah. Maaha markii ugu horeysay oo Somali ay waaleen kooxaha argagixisadu uu dadka iska weeraro.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS