Qaramada midoobey (QM) ayaa war ka soo saartey markii ugu horeysay eryida ergaygii u dhashay Koofur Afrika ee ku kacay arimo aanu shaqo ku lahayn. Ergaygan ayaa raacay talaabooyin ay ku dhaqmi jireen kuwii ka horeeyay laakiin ayna u dulqaadan karin dawlada hadda jirta.
Nikolas Haysom ayaa si toosa oo qaawan u farageliyay siyaasada gudaha ee Somaliya asagoo su’aalo ka keenay argagixis Mukhtaar Roobow oo dawladu cafidey iskuna dayay inuu ka faaiideyso asagoon ka tanaasulin gaaleynta ummada Muslimka ah.
Siyaasiyiinta Somalida ayaa isku wada raacay in doorka ay qaadatey dawladu uu saxan yahay haddase la sugayo talaabada xigta ee ay qaadato Qaramada Midoobey.
Afhayeen u hadley ururkan Qaramada Midoobey ee siyaasadeysan ayaa sheegay inay baarayaan waxa lagu eryay ergaygaas jawaabta ka soo bixin doonaan. Ma jecli nidaamka loo maray eryidiisa ayuu raaciyay afhayeenku mase diidin eryinta.
Dadka falanqeeya arimaha Somaliya ayaa qaba in QM ay yarayn doonto lacagta ay ku bixiso hawlgalada ka dhanka ah argagixisada ama ay mijaxaabiso qaranimada dawlada Somaliya oo iyaga dan ugu jirto.
” Waxa hadda noo cadaatey in QM wado qaska ugu badan oo ay soo raacaan wahaabiyada Imaaraadka iyo Sucuudiga ayuu yiri Yuusuf Suldaan oo Muqdisho degan.
Waxa la gudboon dawlada inay fiiro gaara hadda u yeelato hawlaha QM maadaama lacagta ugu badan lagu bixin sidii loo mijaxaabin lahaa ayadoo la taageerayo xildibaano diintoodu tahay iigu shub ayuu raaciyay Yuusuf Suldaan.
”Kama hor imaan karaan amarka dawlada waayo dalka Somali ayaa leh ayuu yiri Maxamed Cabdulle oo jooga Muqdisho
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay