Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Qarax ay fuliyeen argagixisada kooxda gaalsaynta. Beledweyne ayaa ah goobihii ugu horeeyay ee argagixisadu isku qarxiso dad kuna dilaan Somali farabadan aakhirkii 2007.
Xilligaas oo Somalidu marnaba ku fekerin in wiilkooda maskaxda laga bedeli karo laguna qancin karo inuu naftiisa dilo xasuuqana dad walaalihii ah oo Somali ah.
Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Saldhigga degmada Beledweyne, waxaana uu ahaa Qarax Miino oo lagu soo qariyay Jawaan.
Ma jirto Cid ay waxyeelado kasoo gaartay, waxaana Ciidamada Ammaanka hadda ay waddaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay Qaraxaasi in la dhigo saldhigga hortiisa.
Waxa inta badan la ogyahay in dadka qaraxa dhigayaa ay yihiin ehelada oo shilimaad qaatey ama qaatey fekerka argagixisada ee gaalaynta Muslimiinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay