24/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Wasiir Axmed Cawad oo la wadaagey IGAD xogta eryida Nikolas Haysom: SAWIRO

Wasiir Axmed Cawad ayaa la wadaagey IGAD xogta eryida Nikolas Haysom. “Shakhsi aan waddanka laga rabin, kana shaqayn karin” taasi oo ay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa ku xadgudbay madax banaanida dalka iyo sidoo kale qawaaniinta caalamiga iyo xeerarka diblomaasiyadeed, sida ku cad Cahdiga Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, iyadoo taasi laga ambaqaadayo waxa ay Soomaaliya qaaday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee xad u yeelaya in lagu xadgudbo madax banaanideeda.



Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay garab istaagga dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ay kaga dhabaynayso rabitaanka shacabka, isagoo ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in xadgudub lagula dhaqaaqo madax banaanideeda iyo qarannimadeeda.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS