November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii Boorama jabhada ARAA ee Suldaan Wabar iyo dabaaldega 18 May

Tan iyo markii ay ciidamada ARAA weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore ee xadka u dhaxeeyay magaalda Borama iyo Ethiopia ee fulun fuulada ayaa waxa magaalada Borama laga dareemayaa cabsi farabadan oo dadka soo waajahday.

Iyadoo maalinta ay ku beegan tahay wakhtigii ay jabhada suldaan wabar u qabteen in ay soo weerari doonaan ciidamada ku sugan magaalada Borama Ayaan la garanayn waxa is badali doona saacada soo socda ee ka hadhay.

Daraad ayay ahayd markii uu Borama yimiday Eng Saylici isaga oo ay la socdaan xayn wasiiro ah oo wada shandado lacag ah oo la rabo in odayada iyo waxgaradka reer Awdal la gudoonsiiyo si ay reeraha ay matalaan uga dhaadhiciyaan in ay 18 may dabaal daga la rabo in la qabto ay uga qayb qaataan .

Ilaa habeen hore iyo xalay shirar socday oo saylici la lahaa odayada reer awdal ayaa la soo sheegayaa In la isku fahmi waayay oo lagu kala kacay ka dib markii uu saylici sheegay in kacdoonka ay wadaan reero gaar ah oo ay kaligood ku tahay ayna matalin reeraha kale ee ay wada dagaan gobolka waa sida uu hadalka u dhigaye, ka dib ayaa waxa la soo sheegay in odoyada qaar ay ka xanaaqeen ayna sheegeen in loo dhan yahay kacdoonka.

Isku soo wada duuboo waxa la sugaaba waa jawaabta ay jabhada ARAA ka bixiso hadalada ka soo yeedhaya eng saylici oo lagu qasbay in uu reerkiisa soo dejiyo uuna tago magaaladiisa si uu uga dhaadhiciyo in xukuumada uu ku jiraa ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho arimaha gobolka ka socda laakiin tani sida cad uma muuqato wax u cuntamaya reeraha dega Awdal iyaga oo sheegaya in ayna xiligeedii ahayn in la wada hadal wax lagu dhameeyo oo laga soo gudbay wakhti uu wadahadalku furnaa.

Cabdirashid Rashka, Boorama

ARAABINEWS.COM