23/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hawlgal wado banayn oo booliiska Borama rasaas rideen

Hawlgal wado banayn oo dawlada hoose ka bilowdey Boorama ayaa laga maqley rasaas ay ridayaan booliiska magaalada oo ay ku maqan yihiin dhalinyaro ay hore u dileen. Dhalinyartaas uu booliisku ku foorariyay ayaa ilaa hadda helin cadaalada ay mudan yihiin.



Waxa la xaqiijay in hawlgalkaan ay dad ku dhaawacmeen uu ku jiro oday maqaaxi ka quraacanaayay oo dhagax dhabarka kaga dhacay kadib markii dadka cagafta u waday dawlada hoose ay si indha la’aan u burburiyeen goobaha.

Dadka shacabka o la hadley saxaafada ayaa ka naxay rasaasta socota Iyo halka ay ku socoto. Masuul u hadley dawlada hoose oo wax laga waydiiyay inuu ogyahay waxa rasaasta loo ridayo ayuu ku sheegay in dad badan oo bilaa camala ay soo buux dhaafiyeen goobaha hawlgalku ka socday kadibna rasaas la adeegsaday.

Ilaa hadda lama sheegin cid wax ku noqotey rasaastaa booliisku ridey oo magaaladu dhawaqeeda maqal in muddo ah.



Nin ka mida dadka goobihiisa la burburiyay ayaa qarxiyay arin foolxun oo ah in hadda la kireeyo wadooyinka dadku marayo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS