23/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenay ka baxsatey Sucuudiga oo ugu dambeyn magangalyo la siiyay

Haweenay ka baxsadey Sucuudiga ayaa ugu dambeyn magangalyo la siiyay. Raxaf Maxamed aya sabtigii ka soo duushey Kuweyt halkaas oo ay la socotey qoyskeeda. Waxay iska dhiibtey madaarkas Taylaan halkaas oo lagu guulaystey in magangalyo la siiyo.



Cabudhinta Wahaabiyada Sucuudigu ku hayso haweenka ayaa keentay in haween badan ka cararaan. Raxaf atyaa noqonaysda tii sadexaad inkastoo gabadh kale lagu celiyay Sucuudiga oo ilaa hadda aan la garanayn halka ay ku nooshahay.



Hay’adda qaxootiga ayaa sheegtay inay la wareegeen Raxaf imikana ay go’aan ka gaari doonaan. Raxaf ayaa dalbadey in la geeyo wadamada afka Ingiriiska ku hadla.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS