28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab oo shaacisay waxay u xasuuqdey dad aan waxba galabsan

Daraad ayay ahayd markii argagixisada shabaab sheegatay in ay sashay huterl Dusit oo Nayroobi ku gaala halkaana ku xasuuqeen 14 qof aan waxba galabsan. Argagixisada oo lagu yaqaan daadinta dhiiga bani aadamka ayaa u qiil samaysay weerarkii fuleynimo.

Kiiniya ayaa sheegtay in argagixisada weerarka fulisay ay ku jireen laba dhawaan diinta Islaamka qaatey oo been loogu sheegay in xasuuq janno lagu galo.

Afhayeenka argagixisada gaalaynta Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamo badan oo ka tirsan kooxda kuwaasoo muddo badan la diyaariyay.



Wuxuu sheegay in howlgalkan loogu magac daray Labeyka Yaa Qudus wuxuuna aargoosi u ahaa tallaabadii Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.



Argagixisada ayaa ku dili Karta hadaad ka hortimaad caqiidooyinkooda xun ee diinta ka fog ayagoo caadaystey dhiiga bani aadamka kadib markey ku gaaleeyeen ama waxa ay ugu yeeraan murtad ama diin- kabaxe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



u