28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qadar oo dawlada soo gaarsiisay gawaadhida dagaalka ee fudud: SAWIRO

Dawlada Qadar ayaa dawlada Somaliya,soo gaarsiisay gawaadhida dagaalka ee fudud oo iyaguba ka soo iibsadeen dalalka caalamka. Qadar ayaa ka mida dawladaha ugu roon ee Somaliya ka caawiya meelo badan.



Taliyaha Ciidanka xooga dalka sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa dhawaan Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka socotay Taliska Malatariga Dalka Qatar,kuwaas oo balan qaday inay Ciidamada xooga dalka ka caawin doonaan dhinaca labadaba.



Somaliya ayaa u baahan ciidan adag oo dhisan si ay isaga difaacdo argagixusada una ilaaliso qaranka iyo xuduudihiisa oo iska furan muddy 27 sano ah.

Wasiirka difaaca Somaliya ayaa sheegay in gawasdhidan gaashaaman yimaadeen xilli loo baahnaa uuna uga mahadcelinayo dawlada Qadar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS