November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiirka duulista oo ka hadley nin ajnabiya oo lagu qabtey qalab suna

Wasiirka duulista Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadley idaacad shisheeye ah ayaa sheegay in shalay garoonka Muqdisho lagu qabtey nin ajnabiya oo watey qalab suna.



Fadeexada ayaa ah in ninkaan isna sheegay markii la baaray inuu markii horeba watey qalabkan, taas oo ka dhigan haday run noqoto in garoonku yahay fowdo dhinaca baarista.

Shirkada iyadu u qaabilsan garoonka ayaan la ogeyn inay ka masuul tahay dhinaca amniga siiba baarista boorsooyinka la saaro diyaarada iyo kuwa gacvanta lagu qaato.

Wasiirka ayaa sheegay in ninkaan baaaris ku socoto qalabka uu watayna ay ahayd sunta dadka ka ilmaysiisa xilliyada ay qabtaan bananbaxyada rabshadaha wata.

Waxaan la wadaageynas shacabka wixii ka soo baxa baarista ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdullahi oo raaciyay in ninkan qalabkaas la fuulayay diyaarada Itoobiyanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS