November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Khasaare ka dhashay miino argagixisadu ku aastey goob dadku buuxaan magaalada Muqdisho

Wararkii u dambeeyay ee aan ka helayno magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Carwo Itko ayaa sheegaya in aagaas ay ku qaraxdey miino dhulka lagu aasay oo ay dhigeen kooxda gaaleynta Muslimiinta.



Dhimashada hordhaca aya sheegaysa in ay jiraan laba qof halka xilliga uu qaraxu dhacay uu isna goobta maraayay gaari gurmad ah oo sida dad buka. Kooxdan ayaan iyada u kala soocneyn cida dhimanaysa ayna jecelyihiin in dad farabadan dhintaan.



Waxa goobta soo gaaray ciidanka miino barista iyo kuwa amniga waxanahalkaasi laga qaadey meydka labada muwaadin ee dhiigmiiratadu dishey .

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS