20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ciidanka xooga dalka oo dib u jafjafay xeradii 21-aad ee ciidankii qaranka Somaliyed: SAWIRO

Ciidanka xooga dalka ee gobolka Galguduud ayaa dib u jafjafay xeradii uu deganaa ciidankii qaranka Somaliyeed ee cadowgu ku dhiiran waayay inuu ku dhaco sanadihii dalku dhisnaa. Xeradan 21-aad ayaa dalka laga difaaci jirey jiidaha gobolada Galguduud, Hiiraan iyo ilaa Mudug.



Xeradan oo ku taala Duleedka Galinsoor ayaa ka kooban Qaybta Keydka Hubka, aagga Daloolada Gaadiidka , Garoomada Ciyaaraha iyo Garoon diyaaradeed.

Waxaana Dhismaha Xerada Balan qaadey Dhawaan Taliyaha Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Yuusuf Cabdulqaadir “Kaanti” Balantaasi oo maantaba fulinteedu Bilaabatey.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS