22/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: Argagixisadii oo laga sifeeyay guryihii shacabka

Ciidanka dawlada ee sida aadka u tababaran ayaa ugu dambeyn dhabarka ka jebiyay kooxda gaaleynta Musliminta ee ilaa xakay ku jirey guryaha shacabka ee ku dheganaa labada huteel ee ay shacabka ku xasuuqeen.



“Waan soo afjarney waxaanan hadda dilney intii ugu dambeysay awalba waxaan dhowraynay hantida dadka laakiin markaad la dagaalaysi koox gaalaysa muslimiinta, hantidoodana aad arkaysaan sidey u galeen, gacmaha waan laaban kari weynay wixii doone haka dhaceen ayuu yiri  sarkaal u hadley ciidanka Alfa.



Ciidanka ayay ku qasabtey inay dumiyaan inta ugu dambeysa si ay u dilaan diinlaaweyaasha kooxda gaalaynta oo dibedda soo dhigey qaarna laayay dad muslimiina oo aan waxba galabsan qaarna soconba karayn..

Ilaa hadda lama hayo tirada rasmiga ah ee xasuuqii xalay oo hadda uun la soo afjaray. Waxa maanta saf loo galay isbitaalka weyn ee Digfeer sidii dadkeena dhaacmey dhiig ugu shubi lahaayeen inkastoo siyaasiyiin istusa oo aan hore u dhig u shubin ay us yiraahdeen qiirada dadka la qaybsada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS