22/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sirdoonka Maraykanka oo raadinayo tabeelooyin dila oo ka dhana Ilhaan Cumar

Sirdoonka Maraykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa egaya warar sheegaya in meelo ka mida Maraykanka lagu dhejiyay tabeelooyin ay qoreen taageereyaasha Trump ee xagjirka ah oo beegsanaya Ilhaan Cunar.

Tabeelooyinka nooca gidaarada lagu qoro oo caan ka ah dalalka reer galbeedka iyo Maraykanka inta badana ay qoraan kooxo is qariya ayaa la soo weriyay in lagu arkey  meelo ka mida Maraykanka oo lagu beegsanayo Ilhaan Cumar.



Fariinta lagu qorey meelaha laga iibsado shidaalka ayaa ku qoran “dil Ilhaan Cumar”. Ninka lagu magacaabo Raynis oo isagu indhihiisa ku arkey ayaa u sheegay shidaalaha waxa uu u qarin waayay, ayaa sheegay in shidaaluhu ku farxin su’aasha.



“Waxaan raadinayaa ranjiile si uu u tirtiro, waxaanan ugu jawaabay hadaanad adigu qarin karin iska ilow ranjiile maanta oo Sabtiya aad raadisaa.

Raynis oo askari soo ahaan jirey ayaa sheegay inaanu weligii la kulmin Ilhaan Cumar laakiin aanu rabin tuugo leh cadaankaa sareeya inay wadadiisa tabeelooyin nacayba ka buuxiyaan.



Usbuucii hore ayay ahayd markii Ilhaan Cumar ay bewgsadeen xagjirka xisbiga Trump oo Ilhaan la xiriiriyay weeraradii 2001 ee Maraykanku sheegay in kooxdii Alqaacida ku qaadey.

Shalay ayay iyadna ahayd markii Ttump weeraray Ilhaan Cumar kuna tilmaamay inay iyada iyo Tayba oo iyadna xildhibaan Muslim reer Falastiina ay neceb yihiin Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABIBEWS