Inta la xaqiijay waxa ku geeriyooday laba ruux gaari kuwa xamuulka ah oo aad u duqoobey oo ku rogmadey inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar. Gawaadhidan oo inta badan ay wadaan dad aan ka fikirin amniga dadka ayay waxay sababaan rogmasho laga fogaan karo.
Sida goobjoogayaal ay sheegeen waxa uu waday dhuxul waxaan uu ka yimid deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dhuxushaas loo soo waday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Waxaana sawirro laga soo qaaday la arkayay mid ka mid ah qofka dhintay oo uu dusha ka saaran yahay gaariga rogmaday.
Dad ka agdhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa gurmad u sameeyey dadkii ku dhaawacmay shilkaasi gaari, iyada oo dhaawaca loo soo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magalada Muqdisho.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay