Wadamada aduunka ayaa badankoodu ka mamnuucaya dalalkooda iyo hawadooda diyaaradii Itoobiya ee dhacdey oo ay samayso shirkadda boowin ee laga leeyahay Marsykanka. Inkastoo shirkadaasi sheegtay inay soo saarayso aalad saxda qaladka loo malaynayo.
Wadamada ilaa hadda ku dhawaaqay inay hawadooda ka mamnuuceen diyaaradaas dhacdey nooceeda ayaa waxa ka mida Malaysiya, Singabuur, Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Indoniisiya iyo Ustaraaliya.
Diyaaradan oo shirkadaasi ku faani jirtey ayaa qaada 210 qof markiiba waxayse dhacdey laba jeer muddo Shan bilood ayadoo gebigeedu jirto sadex sano.
Diyaaradaha rakaabka ah ayaa shaqayn kara muddo 25 sanno ah. Waxa la filayaa in wadamada aduunka badankiisu mamnuucaan iibsigeeda taas oo qasaare weyn ku rideysa shirkadaas. Waxa la gudda geli doonaa baarista sanduuqa madow ee lagu keydiyo codka bayloodka ama isgaarsiinta shidhka diyaarada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay