13/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dagaal khasaare ka dhashay oo ka dhacay Gaalkacayo

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland, waxaana uu yimid kadib markii labada maleeshiyo ay isku qabsadeen dhul ku yaalla agagaarka Xasbiga weyn ee qaybtaas oo maalmahaan uu khilaaf xoogan ka taagnaa.



Mushkiladaha maamul goboleedyada ayaa ah inayna lahayn awood ay jufo meel uga qaadaan oo cida xaqa leh u siiyaan, waxayna sababtaa in dagaal ka dhaco.

Inta la xaqiijiyey ilaa laba ruux ayaa dagaalkaas ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay  sheegeen goobjoogeyaal dad ku sugan Waqooyiga Magalada Gaalkacyo meel aan ka fogeen halka uu dagaalka ka dhacay.



Maleeshiyada ayaa welli raba inay sii dagaalamaan ilaa uu soo gaaray ciidanka booliiska Puntland oo kala qaboojiyay xaalada. Lama iga si saxa cida dhulka ku qoran.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS