Waxa isa soo taraysa tirada xasuuqa ee labadii masjid ee dalkaasi Niyuusiiland ee gaal argagixisa uu ku toogasho bartey Muslimiin u yimi inay gutaan waajibka salaada. Waxa dadka Muslimiinta markiiba niyada geliyeen inay fuliyeen kooxdii gaalaynta Muslimiinta oo lagu yaqaan in xataa masaajidka dadku kaga fakan.
Laakiin geeasiga maanta waa nin isagu masaajidka u yimaada maalmaha Jimcaha inuu dadka kala hago xoog uga qaatey ninkii gaalka ahaa ee argagixiska ahaa ee xasuuqey Muslimiinta.
Nin ka mida dadkii masjidka ku tukanaayay oo isagu beerka u jiifay ayaa sheegay inuu ninkaasi naftiisa u hurey qorigana ka qaadey kadibna eryadey ilaa uu ka fuuley gaari sugaayay. Dadka hadda booliisku qabtey ayaa waxa ku jira haweenay.
Argagixiskaan ayaa hadda la ogaadey inuu si toosa u duubaayay markii xasuuqa uu waday. Shirkada Faysbuug ayaa iyadu markiiba ka saartey sheegtayna inay ku daba jirto kuwa kale oo sii faafiyay inkastoo la daawadey bogag Somali leedahay oo soo geliyay.
Madaxda aduunka gaal iyo Muslimba ayaa aad u cambaareeyay xasuuqan uu gaystey gaalka argagixiska ah. Niyuusiiland ayaa sheegtay in la xirey masaajida dalkaasi oo dhan ilaa inta amar dambe soo baxayo si loo xaqiijiyo amniga dadka cibaadada u tagaya.
Wadamo gaalada ee caalamka ayaa iyaguna booliis ku daadiyay dhamaan masaajida maanta oo Jimce ah si loo sugo amniga loogana hortago in argagixiska Muslimka iyo kan gaalkuba u koobigareyn ficilkii halkaas ka dhacay.
Tirada Somalida shahiidey ee naxdinta badnaa ayaa ahayd inuu ku shahiidey ilmo yar oo aabihii u qaaday salaada halka la sheegayo in Somali kale ku dhaawacmey oo u ku jiro wiilkaas yar aabihii. Waxase jira ilaa 48 dhaawaca.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS






Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay