Shaqaalaha jooga Somaliya siiba dekedaha Berbera iyo Boosaaso ayaa ay la soo deristay cabsi waxayna bilaabeen inau ka baxaan ama kordhiyaan ilaalada gaarka. Cabsidan ayaa timi markii mid iyaga ka mida lagu diley Boosaaso.
Shaqaalahaas oo hadley ayaa sheegay in markasta noloshoodu halis ku jirto. Shirkadan iyo shaqaalahan ayaa Somaliya ku jooga si aan sharci ahayn waxayna heshiisyo la galeen maamul goboleedyo iyagu aan lahayn sharci ay ku geli karaan heshiis caalami ah, waxana ku jira kuwo iyagu yiraa waxaan ka mid nahay dawlada dhexe.
Waxay codsadeen in laga bedelo Somaliya ugu yaraan inta xaalada amni hagaageyso. Madaxa DP World Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa u sheegay warbaahinta reer galbeedka in shaqaallaha ay bilaabeen in ay kasoo baxaan Soomaaliya, kuwooda Ajaanibta ka dib markii ay la kulmeen Hanjabaado kala duwan.
Waxaa uu xusay in ay wax badan ka badali doonaan Hanaanka Ammaanka ee Shaqaallaha ku sugan dekedda Magaalada Boosaaso.
C/llaahi Warmoofe
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay