Markii ugu horeysay Maraykanka waxaa kiis dembi lala fuulayaa kuwa sameeyay diyaaradii ku burburtey Itoobiya ee ay ku dhinteen 157 qof. Diyaarada boowin 737 ayaa waxa soo baxaya in aalada shidhka uu gebi ahaanba qalqalsanaa.
Halka duuliyihu isku dayaayo inuu diyaarada afkeeda kor u taago waxa aalada shidhka ku xiran ee maamusha diyaarada ay iyadu tilmaamaysaa inay diyaarada afkeedu hoos tago.
Waxa uGu dambeyn dhacdey in duuliyuhu awoodi waayo inuu diyaarada toosiyo ilaa ay la dhacdo. Waana waxa ku dhacay diyaaradi Itoobiya ku dhacdey ityo tii ku dhacdey Indooniiya.
Waxa hadda so baxay in samaynta diyaarada la dedejiyay si suuqa degdeg u soo gaarto si shirkada kale ee reer Yurub ayna iyagu uga soo horeyn. Waxa laga soo xigtey qareenka in nin madaxa la siiyay awood aanu lahayn oo amniga diyaarada aan la fiirin qaasatan dadkii ku shaqada lahaa.
Waa markii ugu horeysay ee dembi lala fuulo samaynta diyaarad Maraykanku ku faano.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay