30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Khasaare ka dhashay shil gaari oo ka dhacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya Boosaaso gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Mareero oo qiyaastii 30km u jira. Inta la xaqiijiyey Afar Ruux ayaa geeriyootay 10 kalena waa ay dhaawacmeen.



Dad goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay  in dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay badi ay ahaayeen Arday dhiganeysay fasalka 4aad  ee Iskuulka Ugaas Yaaasiin ee magaalada Boosaaso.



Xilliga gaariga ay saarnaayeen Ardayda uu shilka galayay ayaa waxaa uu kusii jeeday dhanka degaanka Laag, isaga oo ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS