29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

ipp

Maxaa sababay qarax ay ku dhinteen hooyo uurleh iyo caruurteeda ismaamulka Somali galbeed

Wararka aan ka helayno deegaanka Dhagaxamadow oo ka tirsan gobolka Jarar ee Ismaamulka Somali galbeed ayaa waxa sheegayaan in qarax haleelay hooyo uurleh iyo afar caruura oo ay dhashay. Dadka deegaanka ayaa si aada ugha naxay qaraxa hooyada haleelay.

Wararka ayaa sheegaya in caruurta ay dhashay hooyada ay gareeceen bir hooyada ay ku tumi jirtey xawaashka laakiin ayna ogeyn in birtaas walxaha qarxa ay ku jiraan.



Birta qaraxdey ayaa la sheegay inay ka hartey ciidanka ONLF oo ku firfircoonaa deegaanadaas xilliyadii ay dagaalka kula jireen Tigreegii Milas Sanaawi.

Hooyada ayaa goobta qaeraxa ka dhacay ku lahayd maqaaxi ay ka soo saarto nolol maalmeedkeeda. Waxa qaraxa ka badbaadeyninkeeda iyo canug yar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS