Dhiigmiirato loo malaynayo argagixisada kooxda gaalaynta muslimiinta ee shabaab ayaa masjid ku kor sugey kuna diley taliyihii ciidanka isku dhafka ee maamulada Puntland iyo Galmudug koloneel Khaliif Nuur Shiil. Taliyaha ayaa aad loogu xasuustaa xasilinta magaalada Gaalkacyo oo nidaam qabiil darteed fowdo ka bixi weyday.
Taliyaha oo argagixisadu rasaas ku fureen xilliga uu ka soo baxay salaada taraawiixda xalay masaajidka uu kaga tukadey Gaalkacyo ayaa isagoo dhaawaca loola cararay isbitaalka magaalada laakiin u dhintey dhaawaca rasaastaas.
Argagixisadii dilka gaysatey oo ahaa dhalinyaro ayaa goobta ka baxsaday ilaa haddana laguna guulaysan in gacanta lagu dhigo. Gaalkacayo oo fowdo ka jirto ayaa loo aanaynayaa maamulada qabiliga ee ka dhisan oo kaliya nuuga xooga iyo dhididka shacabka magaalada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay