November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxaa u dambeeyay wararka maamulka Siilaanyo iyo socdaal la sheegayo in uu u tagayo Imaaraadka maxaase dhici kara

Hargeysa–Wararka aan ka helayno xafiiska Siilaanyo ayaa sheegaya in Siilaanyo laga yaabo in uu u baxo Imaaraadka carabta halkaas oo ay baryahan jireen wadahadalo ku wajahan la wareegida dekeda Berbera iyadoo warar kalana sheegayaan in Siilaanyo u baahdey xaalad caafimaad oo deg dega taas oo ay dhici karto in la geeyo halka ugu dhow ee loola carari karo.

Siilaanyo ayaa hawlgaba waxana hawsha inta badan wada wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil iyo xaaskiisa Aamina Waris inkastoo beesha uu ka dhashay wasiirada ku jira ay iyaguna maamulka wax ku leeyihiin.

Dekeda Berbera ayaa qarka u saarnayd in ay iibsadaan shirkada Dubai World oo daymo badan lagaga leeyahay aduunka iyadoo sicirka saliidu hoos u dhac weyn ku yimi. Socdaal Xirsi Tooriile ku tagey Dubai ayaa fashil ku soo dhamaaday bishii hore. Dhinaca kale dawlada Somaliya ayaa iyadu ka digtey in kooxda Siilaanyo aanay iibin Karin oo sharciyan ayna awood u lahayn oo dekedu hoos timaad dawlada dhexe ee Somaliya wixii iib ahna ay tahay in dawlada Somaliya lagala xiriiro.

Kooxda Siilaanyo ayaa rabta in ay ku dhiftaan lacag xaqal jeeba oo aan loo sheegin dadka Hargeysa iyo Burco laakiin lagu shubto bangiyada Ingiriiska iyo kuwa Swiss-ka.

Si kastaba ha ahaatee waxa laga war sugayaa in ay rumowdo wararka laga helayo xafiiska Siilaanyo oo ay dhici klarto in ay isbedeli karaan. Waxa kale oo la sheegayaa in socdaalka uu uga sii horeeyay Dubai gudoomiyaha Ucid Faysal Waraabe oo la sheegay in uu la xiriirinayo wadahadal ay la yeeshaan dawlada dhexe.

Siilaanyo ayaa dawlada dhexe ka dhamaystay in ayna hor istaagin wixii mashaariica ee dan u ah shacabka ee aan laakiin ayna ka faaiideyn kooxda Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM