Muqdisho–Wasiir Xidig oo ah wasiiru dawlaha arimaha gudaha Somaliya ayaa fashiliyay qorshaha beenta ah ee Kiiniya ay rabto in ay darbi uga dhisto xadka ay la wadaagto Somaliya. Wasiir Xidig oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in Kiiniya ay xilligan ayna awoodin in ay dhisato darbi casri ah oo la mida kan Yuhuudu ku boobtey dhulka reer Falastiin.
Wasiirka wuxuu sheegay in Kenya marka loo eego dhanka dhaqaalaha iyo awoodaheeda kale aysan heysan qorshe ay darbi kaga dhiso karto xuduudaha labada dal.
“Waxaan aniga la kulmay wasaarada arimaha gudaha Kenya xubno ka tirsan, waqtigan ma awoodaan iney dhisaan darbiga dherarkiisa 700 oo km gaarayo, oo dhaqaalo iyo arimaha kale maba heystaan”ayuu yiri Mr Xidig.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney wafdi u direen dhanka xuduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalada Beledxaawo kuwaasi oo la doonayo iney soo ogaadaan xad gudubka Kenya, isagoo cadeeyay in marnaba aan lagu hishiin doonin.
Lama hubo in Kiiniya oo si fiican ugu xiran Maraykanka ay ka tashatay iyadoo la ogyahay in Maraykanku diidi doono arin sidaasa waa haday u hesho awood dhaqaale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay