November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Roob lagu diirsaday oo ka da’ay gobolada Sool iyo Nugaal: SAWIRO

Deegaanadan o baryahanba au ka jirtey abaar baahsan ayaa Rabi xalay u shubey nimcadiisa waxana durba laga baqayaa daadka ka dhashay nimcadaas aadka loogu diirsaday. Magaalooyonka Laascaanood iyo Garoowe ayaa laga dareemay qabow nimcadeysan.



Daad aad u xoog badan ayaa maray  dooxada Nugaal ee marta labadaas degmo iyo kuwa u dhowba. Biyaha badankiisa ayaa dhulku liqay amaba ku dhaca badda oo aan laga faaiideysan.

Dhinaca kale dooxa balaadhan ee kala badha Burco ayaa isaguna si xoogleh u soo rogmaday, daad ay ku tilmaameen in anu sanado soo marin. Waxa la joojiyay gawaadhida iskala gudbeysa laba dhinac ee magaalada

Sawirada aan idiin hayno waa daadka soo rogmadey ee ay keentay nimcadda Rabi gaar ahaan magaalada Garoowe.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS