Howlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo difaacyo ku leeyihiin ciidanka ayaa lagu qabtey argagixiso u qaabilsanaa dhiigmiiratada xog raadinta iyo weerarada fuleynimada ama gaadmada ah.
Ninkan la soo bandhigay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Lujende Maxamed ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa argagixisadii ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo oo dhacay sanadkii 2015 ee lagu galay xero Ciidamada Kiiniya, laguna dilay boqolaal askari.
Sidoo kale ninkan ayaa la sheegay inuu kooxda gaaalaynta ee Al-Shabaab muddo 10 sano ka tirsanaa, waxaana xilliga la soo bandhigayay uu ahaa nin fikirkiisa aan la gaban oo Ciidamada iyo Saraakiisha soo bandhigay ku sheegay inay Riddoobeen (gaaloobeen).
Ninkan gaaleeyay askartii soo qabatey ayaa loo gudbiyo xarunta dembi baarista. Waxase la is weydiinayaa in abaalkiisa la marin dooni iyo in kale maadaama isagoo la hayo uu gaalaynayo dadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay