November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Cabi Axmed oo dhexdhexaadin ka bilaabay Suudaan oo is-cun bilowdey: SAWIRO

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed oo raba inuu shaabad kaga tago bariga Afrika ayaa Suudaan u tagay inuu dhex dhexaadiyo askarta xukunka haysa iyo koox rabshado iyo banaanbaxyo ka waday in muddo ah caasimada iyo gobolada dalka.



Kooxdan banaanbaxyada iyo fadhiga wada oo reer galbeedka iyo dalalka jecel inay burburiyaan Suudaan sida Carabta  ay dabada ka riixayaan ayaa raba inay xukunka dalka daaqada ka soo galaan ayagoo marmarsiiyo ka diganaya sheekada dimoqraadi.

Kooxdan rabshadaha wada ayaa didey waxkastoo oo lagu dejinayo amniga, waxayna doorbideen inay qalqal geliyaan amniga magaaloyinka.



Daraad ayay ahayd markii ciidanku isku dayay inuu kala dareeriyo, waxana la sheegay inay kala hor yimaadeen xabad, taasina keentay dhimashada in ka badan boqol qof.

“Waxaan casuumad ka helnay safaaradda Itoobiya si aan halkaas ugula kulano ra’iisul wasaare Cabi Axmed, waana tagi doonnaa” ayuu yiri rabshad-wade Cmar Digere



”Waxa la sugaa inuu wax ka maqlo oo dadkaan kala dareeriyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS