Raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay gudiiga qabanqaabada maalmaha xoriyadaee soo socda sida 26 Juun iyo 1-da Luulyo.
Guddiga hoos ku qoran ayey shaqadoodu tahay in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo midnimada, in ay jaan gooyaan qarashaadka ku baxaya xuska, in ay magacaabaan guddi hoosaadyada farsamo ee xuska iyo in ay kormeeraan hannaanka ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.
Dadka badankiisa ayaa qaba in la sameeyo maalin kale oo muhiima oo lagu xusayo marka laga adkaado Wahaabiyada dadkuna si xora u caabudaan RABIGOODA, masaajidkuna noqdo meel qofka Somaliga ku nabadgalo.
Waxa hubaala in tirada gumeystuhu diley iyo tirada ay argagixisada Wahaabiyada/salafiyiintu dileen ay ka badan tahay inta argagixisada Wahaabiyada/salafiyiintu dileen/curyaamiyeen iyo hantida Muslimiinta oo xad dhaafa.
Hadaba gudigaas ayaa waxa loo magacaabay sidan:
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
Wasiirka Warfaafinta
Guddoomiye
C/Raxmaan Ducaale Bayle
Wasiirka Maaliyadda (xubin)
Xasan Cali Maxamed
Wasiirka gaashaan-dhigga (xubin)
Maxamed Abuukar Islaaw
Wasiirka Amniga Gudaha (xubin)
Khadiija Maxamed Diiriye
Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha (xubin)
Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
Sadiiq Xirsi Warfaa (xubin)
Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir (xubin)
Bashiir Axmed Cusmaan
Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka (xubin)
Warbixintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay