November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada oo ka carartey deegaanka Af-urur iyo ajaanib Butlaan eriday

Wararka ka imaanaya gobolka Bari gaar ahaan deegaanka Af-urur oo argagixisadu la wareegtay laba usbuuc kahor ayaa saraakiisha Butlaan sheegeen inay dagaal la’aan kula wareegeen markii argagixisadu ka carartey.



Saraakiishan u hadashay ciidanka ayaa sheefay inay bilaabayaan inay buuraha Galgala oo argagixusadu muddo joogeen dib uga ugaarsadaan.

Butlaan ayaa laba furin ku furan yihiin galbeedka iyo Bariga inkastoo tan argagixisada ay caawimo ka hesho dawlada dhexe iyo taageereyaasha dawlada sida Maraykanka.



Dhinaca kale Butlaan ayaa sheegtay inay eryeen laba sarkaal oo u shaqayn jirey laba hay’adood oo ka hawlgala goboladaas. Labada la eryay ayaa u shaqayn jirey World Vision iyo Relief International.

Butlaan ayaa ku eedaysay musuq maasuq dhinaca shaqaalaha ah iyo in mid ka mida yaraystey inuu cusboonaysiiyo ruqsada joogista.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS