31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaanad Somali Kiiniyaana oo loo gacan qaaday

Markaad maqadho xildhibaanad Somali Kiiniyaana ayaa loo gacan qaaday waxa markiiba niyadaada ku soo dhacaysa in Kiiniyaan u gacan qaadeen maadaama ayna Somalida wax sharafa u haynin laakiin sidaa uma dhicin sida ay ku warantey xildhibaanadu.



Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doorto Bariga Wajeer ayaa maanta weeraray xildhibaan Faadumo Geedi oo iyana laga soo doorto Wajeer, kana wada tirsan yihiin baarlamaanka Kiiniya.

Rashiid ayaa la sheegay inuu Faadumo Geedi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamanka weydiiyey sababta aysan wax lacag ah ugu qoondeyn Bariga Wajeer ee isaga laga soo doorto, intii lagu guda jiray booqasho guddiga ay halkaas ku tageen.



“Waxay ahayd qiyaastii subaxnimadii hore waxaan la socday xildhibaan Glady Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo.

Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo” ayey tidhi Faaduma Geedi.

Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeedhay nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.”



Xildhibaan Glady Wanga oo la socotay Faaduma ayaa sidoo kale xaqiijisay in Rashiid uu garaacay. Xildhibaan ku sheega Rashiid ayaa la filayaa in la edbiyo.

Xildhibaan Faaduma ayaa la geeyey isbitaalka Karen oo looga daweeeyey dhaawacayo fudud, waxayna kadib kiiskeeda u gudbisay booliska baarlamanka, sida ku cad warqadda lagu xareeyey dacwadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS