31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Lacag reer Yurub bixiyeen iyo wadooyinka lagu dhisayo oo la shaaciyay

Raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya ayaa sheegay in lacag ay bixiyeen reer Yurub loogu talogalay in lagu dhiso laguna dayactiro wadooyin ka mida gobolada dalka qaasatan inta hadda taabacsan dawladda dhexe.



Lacagta guud ayaa gaaraysa ilaa 42 milyan oo aan meelna uga dhaxayn baayiyaha yaala dalka ayuu yiri Mahad.

Wadooyinka lagu xusay qoraalka ayaa waxa ka mida wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacayo iyo Gaalkacayo iyo Beledweyne. Waxa intaas la raaciyay wado aada dhinaca Kiiniya.



Mashruucan kuma jirto wadooyin la dhisayo waxa kaliya oo ku jira wadooyin hore u dhisnaa oo la jafjafayo ama dib u habayn lagu samaynayo.

Waxaa halkaas kaaga cad in waxqabadka yar ee soo gaara dalka in aanu soo dhaafin gobolada dhexe ama Koofurta fog ayuu yiri Cali Calasow oo Hargeysa jooga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS